Sie sind auf Seite 1von 4

Doorasho ma ka dhici kartaa Soomaaliya 2016?

Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi ( Baadiyow)


Su'aasha ugu badan ee goobaha siyaasadda looga doodo maalmahaan waa
in doorasho ka dhici karto Somaaliya 2016 iyo ineysan ka dhici karin. In
doorasho la qabto waxey ka midtahay Hiigsiga 2016 oo laga doonayo
xukuumada iney hirgeliso, in kasta oo dadaal iyo diyaargarow fiican uusan ka
muuqan. Dadaal la'aanta iyo ku mashquulsanaanta murano siyaasadeed aan
xad laheyn waxey dhalineysaa shaki soo badanaya oo ah in la rabo in
waqtiga la dhumiyo, dabadeedna la kororsado ama lasoo celiyo habkii
xulitaanka ahaa oo lagu carqaladeynayay awoodda dadweynaha iyo xaqa ay
u leeyihiin doorasho xor ah oo xalaal ah.
Si doorasho uga dhacdo Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in ugu
horreyntii lagu heshiiyo nooca doorashada munaasabka ku ah Soomaaliya,
in dastuurka dib u- eegis lagu sameeyo, sharciyada loo baahanyahay la
dhameystiro iyo in la dhiso guddiyada madaxa banaan ee maamulaya
doorashada. Waxaa intaas dheer, waa in meel la saaro miisaaniyadda
hawlahaas lagu fulinayo. Sidaas markaad u eegto hawlaha horyaalla
dawladda iyo tabarta ka muuqata waxaa kuu soo degdegaaya fikirka ah
inaan doorasho dhici karin 2016. Laakiin, haddii aan qiblada doorashada loo
jeesan, hawsha loo baahanyahay aan la qaban; doorasho ma dheceysaa?!!
Waxaan shaki ku jirin in shacbiga Somaaliyeed doonayaan iney doorasho
dhacdo, hadana, intooda badan waxaa maskaxdooda ku jirta doorashooyinkii
Somaaliya ka dhici jiray ka hor 1969. Doorashadaas waxey ku saleysneed
habka loo yaqaan " the First-Past-the-Post" oo micnaheedu yahay,
doorashadu waxey ka dhaceysaa degmo, waxaana ku guuleysanaya ruxii
ugu cod bata. Haddii la rabo in qaabka doorashada noocaan ah uga dhacdo

Soomaaliya, waxey u baahantahay in dadka la tira- koobo guud ahaan iyo


degmo-degmo; in tirada degmooyinka lagu heshiiyo ( hadda waa la isku
khilaafsanyahay); in tirada xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka ayada
oo lagu saleynayo tirada dadka ku nool degmo kasta; iyo in hubka dadka
laga qaado (waxaa ka dhacaya dagaal sokeeye degmo kasta hadii aan hubka
la qaadin).
Afartaas qodob oo laga maarmaanka u ah in laga fikiro qaabka doorashada
ku saleysan degmooyinka waa muuqataa inaan laga gaarsiin karin 2016.
Waxaa xataa dhib badnaan doonta in la sameeyo doorasho noocaan ah
mustaqbalka dhaw. Cilimibaaris lagu sameeyay qaabkaan doorasho, waxaa
lagu dhaliilay in dumarka iyo dadka laga tirada-badanyahay ay yartahay
fursadda ay uga midnoqdaan baarlamaanka. Waxaa kale oo nidaam
doorasheedka noocaas ah uu kobcinayaa qabyaaladda iyo kala
qaybsanaanta bulshada, waxaa xukunka mar kasta qaadanaya inta xoolaha
iyo xoogga leh, iyo inta reerkoodu hal deegaan ku urursanyahay, waxaana
kobcaya musuqaasuqa iyo cod-gadashada.
Hadaba, qaab kale oo doorasho uga dhici karto Soomaaliya oo aan keeneyn
dhibaatooyinka aan soo sheegnay ma jiraa? Daraasad ay sameysay Madasha
Midnimada iyo Dimoqaraadiyadda (MMD) oo ah isbaheysi ballaaran oo ay ku
midoobeen xisbiyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin madax banaan oo uu madax u
yahay Ra'isulwasaarihii here Cabdiweli Sheikh Axmed waxey soo jeediyeen
qaab doorasho ah oo cilmiga siyaasadda loo yaqaanno "P proportional
Representation" (PR). Qaabkaanu kuma xirna in dadka tirakoob lagu
sameeyo; in xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka iyo in hubka laga
qaado dadka. Qaabkaan, waxaa doorashada ku baratamaya xisbiyo, dadkuna
waxey kala dooranayaan xisbiyada ayaga oo eegaya barnaamijkooda iyo
shaqsiyaadka ka dhex muuqda. Xisbi kasta wuxuu soo bandhigayaa liiska
xildhibaannada murashaxa u ah. Qaabkaan waxaa doorashada ka
qaybgalaya dadka jooga meel kasta oo nabad ah gudaha iyo dibadda dalka.
Waxaa ka qaybgalaya qurbajoogta iyo qaxootiga. Meeshii doorasho ka dhici

weydo saameyn kuma laha natiijada doorashada oo inta codeysa sida


xisbiyadu u kala helaan ayeey kuraastka u qaybsanayaan. Tusaale, xisbigii
helaa 40% codka shacabka wuxuu qaadanayaa 40% kuraastka
xildhibaanada.
Si cod fiican uu uga helo dadweynaha, xisbi kasta waa inuu soo hormariyaa
magacyada xildhibaanada uu isleeyahay dadweynaha ayaa cod siin kara.
Waa iney ka kala yimaadaan degmooyinka iyo qabaailka kala duwan, waa in
dumar badan ku jiraan (waxey leeyihiin 50% codka), waa iney ku jiraan
aqoonyahaanno magac weyn leh oo kasban karaa codka shacabka.
Xildhibaanadu waxey noqonayaan xildhibaano qaran oo kusoo baxa codka
shacabka oo dhan oo aan beeshooda u lug-xirneyn. Waxaa intaas la jirta,
waxaa yaraanaya musuqmaasuqa iyo cod gadashada, waxaa yaraanaya
miriq-shaaleynta siyaasadeed oo xildhibaan kasta wuxuu ku qasbanyahay
inuu dhawro siyaasdadda xisbigiisa, maxaa yeelay haddii xisbiga laga saaro
wuxuu weynayaa kursiga.
Doorashada qaabkaan waxey keeneysaa in xukuumadda uu dhiso xisbiga
codka ugu badan hela, ama ha isku filnaado ( 50%+1) ama isbaheysi ha la
sameysto xisbiyo kale. Sidaas ayaa waxaa imaanaya xukuumad haysata
agqlabiyadda baarlamaanka. Xisbiyada kale waxey noqonayaan xisbiyo
mucaarad ah oo iska xilsaara toosinta iyo talo-bixinta khaladaadka xisbiga
xukunka haya. Sidaas ayaa waxaa loogu tartamayaa mar kasta raaligelinta
shacabka iyo ka jawaabidda baahidooda. Haddii doorasho noocaan ah la
hirgeliyo shacabka ayaa talinaya, codkooda ayaa awoodda iska leh, meesha
waxaa ka baxaaya dalaal iyo malaal, waxaa meesha ka baxaaya in la
raalligeliyo dawlado shisheeye, waxaana lagu baratamayaa raaligelinta
shacabka.
Inta diidan doorashada dadweynaha waxey lasoo taaganyihiin marmarsiiyo
kala duwan oo lagu horjoogsanayo in awoodda dadka lagu wareejiyo,
waxeyna rabaan iney Soomaaliya lagu hayo dawlad-xumo iyo ku-tiirsanaan

shisheeye. Waxey dhihidoonaan xisbiyadii weli ma dhismin, waqtigu kuma


filna, lacag looma haayo IWM. Jawaabtu waa in la dardargeliyaa doorashada
oo habeen iyo maalin laga shaqeeyaa si aan dalkeeyna ugau gudbiyno qabiil
wax ku qaybsiga fadhiidka ka dhigay dawladnimadeyena. Maadaama MMD
ay soo bandhigtay qaabka doorashada PR, waxaa lagama maarmaan ah in
qaab kale oo lala tartansiiyo lasoo bandhigo ama qaabkaan lagu heshiiyo,
tilaabooyinka loo baahanyahayna la bilaabo. MMD waxey rumeysantahy in
mustaqbalka Soomaaliya iyo dawladnimadeedu ku xiranyahy sida loo
dhaqangeliyo doorasho xor ah oo xalaal ah sanadka 2016. MMD waxey kasoo
horjeeddaa afduubka xaqa shacabka iyo qaababka kobcinaya dawladxumida, musuqmaasuqa, hanti-boobka, sharci-duminta, waxeyna
horseedeysaa midnimada, walaalnimada, wada shaqeynta, dawlad-wanaaga,
hufnaanta iyo nidaanmka ku dhisan doorashada. Waa taas wadadii cadeed
oo waafaqsan dhaqankeena iyo diinteyna laguna soo celin karo sharafta iyo
karaamada dadkeyna iyo dalkeyna.

Das könnte Ihnen auch gefallen