Sie sind auf Seite 1von 4

1

Kacaanka Masar Maxaan ka baran karnaa?


W/Q Cabduraxman Baadiyow

“Waxaan ka baran karnaa in isbedelka loo bahanyahay yahay mid nabad


ku yimaada, himiladiisu tahay dimoqradiyad, gobanimo iyo garsoor.”

Dhab ahaantii, kacaanka ay horseedka ka ahaayeen dhallinyarada Masar oo soo afjaray


nidaamka kali-taliye Xusni Mubaarak waa mid inta xornimada jecel ay si weyn ugu
riyaaqeen, raynreyn iyo farxadna kusoo dhaweeyeen. Anigu shakhsi ahaan, intii
kacaanku socday, waxaan la noolaa dadweynaha Masar, waxaan la socday tilaabo kasta
oo kacaanku ku talaabsado, waxaan wax uga noolaa “Maydaanka Taxriir”, waxaan wax
ka qaadayay hal kudhiga kacaanka oo ay mid tahay “shacbigu wuxuu doonayaa inuu rido
nidaamka.” Maalmihii la soo dhaafay, waxaan ku mashquulsanaa riditaanka kali-taliska
gaamuuray, waxaan ka mid ahaa inta utaagaan kacaanka “nabadda, isbedelka iyo
dimoqraadiyadda.” Sidoo kale, waxaan wadnaha ku haayay farta annaga oo ka cabsi
qaba “ fawdo iyo dagaal sokeeye”, waxaana Alle ka baryaayay inuu ka badbaadiyo
shacbiga Masar aafada ku dhacday shacabka Somaaliyeed oo kale!.

Inta kacaanku socday, cabsidii aan ka qabay in fawdo dhacdo waxaa soo afjaray kala
dambeynta, duubnidda iyo sugidda amaanka oo ay gacanta ku qabteen dadweynuhu iyo
shacbiga Masar oo la soo baxay ilbaxnimadii qotada-dheered ee lagu yaqiinay. Waxaa
sidoo kale cabsideyda yareeyay ciidamada qalabka sida ee Masar oo diiday iney xabad ku
ridaan shacabkooda, una hiiliyay xoogagga isbedel doonka ah. Ciidamada Masar waxey
noqdeen kuwa difaaca dalka ee ma noqon kuwa difaaca nidaamka xukunka haysta.

Xaaladda isbedel doonka ah ee ka socota dalalka carabta sida Tunisiya, Masar, Yaman,
Baxreyn, liibiya, aljeeriya iyo dalalka kale, waxaa dabeyl gobanimodoon ah aan la jooji
karin oo xaaqeysa kali-talisyada oo dhan, kuwaas oo burburiyay kaaramadda ummadda,
gaajeysiiyay shacabka, caburiyay xuquuqda aadamiga, ku takri-falay dhaqaalaha dalka,
madiidinna u noqday dawlado shisheeye. Waxaa xusud muddan in shacabka Somaaliyeed
kacdoonka noocaas ah uu soo maray 20 sano ka hor ayaga oo af-ganbiyay kali-taliye
xukumaayay 21 sano. Haseyeeshee, nasiib darro, kacaankaas dadweynaha Somaaliyeed
2

waa la qaloociyay, waana la maran habaabiyay ayada oo loo bedelay dagaal ka dhexeeya
beelaha. Runtii, wuxuu ahaa kacaan qalooc ku bilawday, fikirka iyo ficilkaba, horseedka
kacaankaasna uma kala soocneyn af-ganbinta kooxda xukunka haysata iyo bur-burinta
qaranka Somaaliyeed.

Waxaa la dhihi karaa, waxaa Somaaliya ka fashilmay sedex kacaan oo dadweynaha lagu
hanbooriyay, loo hoosaasiyay, lanuga hungoobay. Kacaankii ugu horeeyay wuxuu ahaa
kii lagu riday Madaxweyne Maxamad Siyaad Bare, qarankana lagu burburiyay. Kii
labaad wuxuu ahaa kii lagu soo celiyay qaranimada, loogana adkaaday kooxaha hubeysan
oo lagu soo dhisay dawlad Somaaliyeed dalka Jabuuti 2000. Haseyeeshee, kacaankaas
asigana waa dhiciseeyay oo hogaan la’aan ayaa ku dhacday, waxaana kusoo rogaal
celiyay kooxihii hubeysnaa oo uga adkaaday shirkii Kenya lagu qabtay 2004. Kacaankii
sedexaad, wuxuu ahaa kii maxkamada Islaamiga oo lagu jebiyay qabqablayaashii
dagaalka. kacaankaas asigana waa la marin habaabiyay, wuxuuna dhalay xaallada
murugsan ee maanta dalka ka jirta: dawlad magac-uyaal ah oo ku nool xabsi weyn oo
korka ka furan iyo mucaarad macangag ah oo gar ma qaate ah. Waxaa shaki ku jirin in
dhaqanka hogaanka siyaasadda Somaaliya, kooxaha mucaaradka ah iyo beesha caalamka
ayan ka muuqan in Somaaliya ujeesatay qibladda dawaldnimada iskaba daa iney qaaday
waddada qaranimada. Haddaba maxaa u dhaxeeya kacaanka ka dhacaya Masar iyo
kacaanka Somaaliya?

Run ahaantii, la isma barbar dhigi karo xaaladda Somaaliya ee 1991 iyo xaallada Masar
2011, waqti ahaan, nidaam ahaan iyo xadaarad ahaan, laakiin waxey kaga
mideysanyihiin riditaanka kali-taliye muddo dheer xukunka dalkooda haayay. Haddii
qodob ka fiirinno, waxaa la dhihi karaa kacaanka Somaaliyeed waxaa hogaamiyay kooxo
hubeysan oo u abaabulan qaab beeled, laakiin, kacaanka Masar waxaa korkacay Bulshada
Rayidka oo isbedel-doon ah. Waxaa intaaas la raaci karaa, shacabka Masar waxaa ukala
soocnaa qarannimada iyo rejiimka xukunka haysta, sidaas ayaana ciidamada qalabka sida
ugu eexdeen rabitaanka dadkooda. Xaalka Somaaliya sidaas ma aheyn oo ciidamadda
qalabka sidaa ayaa dawladu hore uburburisay, waxeyna u qaybsameen intooda badan
reerihii ay ka dhasheen, hubkii ciidankana sidaas ayaa shacabka gacata loogu geliyay.
3

Maxaan ka baran karnaa kacaanka Masar ? Waxaan ka baran karnaa wax badan,
laakiin waxaa ugu muhiimsan:

1. Haddii shacabku doono inuu soo ceshado xornimadisa, ma jiraan wax hor-joogsan kara
ama maran habaabi kara, laakiin waa inuu helaa hogaan hufan, leeyahay horseed iyo
himilo ka dhexeysa uu wada difaacaayo, laguna kala qaybin karin diin iyo qabiil toona.
2. Kacaanka Somaaliya u baahantahay waa inuu noqdaa mid ku saleysan nabad, isbedel-
doon, waxgarad hor kacayaan, dhallinyadu horseed ka tahay.
3. Kacaankaasu kusoo bood kuma imaanayo, lab la kac ma aha, durduro kuma dhisna,
wuxuu ku imaanayaa diyaar-garow dheer, tilaabo tilaabo, wuxuu ka bilaabanayaa
isbedelka fikirka aqoonyahaannada, mideynta dareenka iyo himiladda. Xaalladda
kacaanka markii uu bislaado asaga ayaa dillaacaya, butaacaya, lamana horjoosan karo.
4. Waxaa kale oo loo baahanyahay in lagu qanco in dawladnimada Somaaliyeed ayan
ku imaaneyn waxyaabo ay dhoodhoobeen dawlado shishiye ama ha’adaha dawliga ah
ee Nairobi fadhiya. Dawladnimada Somaaliyeed kuma imaan karto waddada nidaam
xukun oo u adeegaaya danaha dawlado shisheeye.
5. Waxaa kale oo loo baahanyahay in lagu qanco in dawladnimada Somaaliyeed ku
imaanayso oo kaliya Somaali isdhaarsata, guntiga dhiisha iskaga dhigta, xoogooda,
xoolahooda iyo graadkooda kulmisa. Waxey ku imaaneysaa in Somaalidu ka gudubto
kala qeybsanaata xagga fikirka dawladnimada iyo qaranimada.
5. Isbedelkaasu hal mar ma imaanayo, googol xaar badan ayuu u baahanyahay, waxey ka
bilaabataa in laga gudbo “qof iyo qabiil” kaliyah, loona gudbo “kooxo siyaasadeed”
(xisbiyo), kuwaas oo isku aragti ka noqda waddada soo celinta qaranimda, laakiin kala
ururo ah. Qaabka xisbiya oo kaliyah ayaa asaas loogu dhigi karaa siyaasadda
dimoqraadiyadda, wada-tashiga, is-kaashiga, is-dhageysiga iyo isku-dul-qaadka ku
dhisan.

Gunaanadkii, waxaan marna suuragal aheyn in dalkeynna koox hubeysan oo xukunka ku


rabta qoraga caaradiisa ama ku heysata qoraga caaradiisa ay keenaan isbedelka loo
baahanyahay, isbedelka soo celiya sharafta, karaamada, nabadda iyo nolosha. Isbedelka
ka dhacayaa dalaka carabta, gaar ahaan Masar wuxuu u yahay shacabka Somaaliyeed
4

casharro ku dayasho mudan. Waa inaan ka baranaa inaan kacaanka Masar loo kala harin:
Muslim iyo Masiixi, caami iyo culumo, taajir iyo faqiir, Islaamiyiinta iyo cilmaaniyiinta.
Sidaas oo kale waa in kacaanka dadweynaha Somaaliyeed uu ku doonayo nabadda iyo
nolosha, dawladnimada iyo midnimada aan loo kala harin!

Das könnte Ihnen auch gefallen