Sie sind auf Seite 1von 2

T e le so m

T h e R e l i a b l e C h o i c e

EXECUTIVE COMMITTEE WEEKLY MEETING

MINUTES OF MEETING
Shirkii madaxda gudiga fulinta shirkadda oo qabsoomay October 25, 2012, laguna qabtay Hool-ka shirarka saacadu markay ahayd 8:45 Am. KA SOO QAYB GALAYAASHA SHIRKA 1. Gud, Ciise Maxamuud Faarax 2. Eng Muuse Cali Cige 3. Maxamed Xasan Diriye 4. C/salaam Ismacil Nuur 5. Maxamuud C/raxmaan Gadhyare 6. C/laahi Maxamuud Jibriil WAXA MAQNAA

1. Faarax Maxamed Guure Sugaal (Xajka) 2. C/wahaab Maax Maxamuud (Fasax) 3. Eng Siciid Xuseen Guleed (Shaqo)
AGENDAHA SHIRKA

Aqoonmaal News Policy Ciida iyo talo galkeeda iyo sidii shaqada loo kala qaybsan lahaa Sarifka lacagaha biilasha Dawlada Number Plan (Pending) Rate-ka Prepaid-ka lagu dalaco Macmiilka ee Wadama qaar (Pending)

AQOONMAAL NEWS POLICY In wararka xasaasiga ah ee dhibaatada inagu keeni kara, kana soo baxa barnaamijka AQOONMAAL, aynu iska joojino fiiro gaar ahna u yeelano, maadaama uu culayskiisu badan yahay, dood badana uu ka dhex dhaliyey Dawlada iyo Dadweynahaba, waxaana la soo jeediyey qodobadan:1. In wixii hore ee dhacay aynu ka hawl galno sidii aynu isaga furdaamin lahayn 2. In wixii dambana aynu taxadirkeeda iyo talo galkeeda yeelano 3. In arintiisa dib loogu noqdo lagana fakiro wararka ka baxa AQOONMAAL CIIDAL ADXA Iyada oo ay ku beegantahay berito Jimcaha oo ay bishu tahay October 26, 2012, maalintii barakaysnayd ee Ciidal Adxa, ilaahay ha ina gaadhsiiyo kheyrkeedana ha inaa siiyo e, waxa sidii caadadu ahayd shirka lagu soo qaaday in wax la iska waydiiyo Ciida iyo talo galkeeda iyo sidii shaqada loo kala qaybsan lahaa.

Waxana la soo jeediyey in la sameeyo Shifts, shaqadana loo kala qaybsado sidan hoos ku qoran: Maxamed Xassan Diriye iyo Maxamuud C/raxmaan, waxa loo xilsaaray inay soo galaan shift-ga caawa oo ka bilaabmaysa 7:00 Pm -11:00 Pm, waxay masuuliyadoodu noqon doontaa inay la socdaan, isla markaana kormeeraan Xarumaha shirkadda ee muhiim-ka ah sida xarumaha Sales-yada, ZAAD-ka, iyo dhamaan System-yada shirkadda sida Engineering-ka, IN-ka, Microwave-ka, sites-ka iyo International-keena oo aynu la socono. Shift-ga Jicmaha galinka hore waxa soo galaya Gudoomiye Ciise oo la socon doonaa dhamaan habsami u socodka hawlaha shirkadda ee maalinta Ciida. Galinka dambe Jimcaha, waxa lagu qoray inay soo galaan C/salaam iyo Eng Muuse oo iyaguna la socon doona dhamaan hawlaha kor ku qoran ee loo xilsaaray Maxamed Xasan iyo Maxamud C/raxmaan. Maalinta Sabtida, waxa ku soo noqon doona Gudoomiye Ciise. Waxa kale oo la isla qaatay, in la qurxiyo lana iftiimiyo xarumaha muhiim-ka ah ee shirkadda, waxaana loo xilsaaray Eng Muuse inuu la socodsiiyo cida hawshaasi ay khusayso. In loo diro guud ahaan macaamiisha shirkadda sms-ka salaanta Ciida, waxaana soo diyaarin doonaa C/salaan.

SARIFKA LACAGAHA BIILASHA DAWLADA Maadaama oo in mudo ahba lagu hawlanaa sidii la isku waafajin lahaa sarifka lacagaha Dawlada ee Somali Shiling-ka iyo sharciyan waxa ay noqonayso, arintan oo loo gudbiyey Gudiga Riqaaba Sharciya, waxay ka soo saareen Fatwooyin ku saabsan qaabka saxda ah ee aynu biilasha ugu dalacayno Dawlada. Waxa kale oo arintan loo gudbiyey xafiiska R&D inay ku daraan Billing Program-keena qayb u gaara Biilasha Dawlada ee Somali Shiling-ka, waxaana markii la isla eegay proposal-ka rate-ka la soo diyaariyey, la isla qaatay in rate-ka halkan ku lifaaqan lagu dalaco Biilasha Dawalada ee Somali Shiling-ka, laga soo bilaabo August 1st 2012. N.B. Kuma jiraan biilasha Dollar ahaan loogu dalaco Dawlada iyo Hayadaha.

Allaa Mahad Leh

----------------------Omar A. H. Mubarik, Executive Secretary,

Das könnte Ihnen auch gefallen