Sie sind auf Seite 1von 16

Xisbiga Horumarinta & Midnimada

Somaliland

Kulmiye
Laamaha Kulmiye (UK)

Xeerka Kulmiye (UK)

_________________________________
________
Waxa soo saaray Gudida qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye (UK)
London, England, UK
Febraury 2006
___________________________________________________________________
________________

Kulmiye (UK) Branch Structure


Chairman

Treasurer Secretary Vice Chairman 2nd V.Chair


Members

Kulmiye (UK)Committee
Members

Birmingham Sheffield Bristol Cardiff Manchester Liverpool

London

West London North London East London South East London


XEER HOOSAADKA XISBIGA KULMIYE EE UK
KULMIYE NATIONAL PARTY UK PROTOCLS
QAYBTA KOOWAAD

ARAR
Somaliland oo xornimadeeda la soo noqotay 1991kii, waxa ay u hayaan-
santahay nidaamka dimoqraadiyadda ee ku salaysan axsaabta badan. Xisbiga
KULMIYE oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Somaliland wuxuu
dhiirigelinayaa nidaamkaas dimoqraadiga ah ee aynu qaadanay. Waxaanu
doonayaa Xisbiga KULIMYE inuu dalka ka dhiso dawlad tayo leh oo loo siman
yahay dhibkeeda iyo dheefkeetaba.

Guddida fulinta ee UK waa guddi maamul ahaan madax bannaan, laakiin waxay
ku shaqaysaa mabaadiida iyo siyaasadda guud ee xisbiga. Xeer hoosaadkanina
wuxuu khuseeyaa qaabka dhisme iyo maamul ee xisiga KULMIYE UK u shaqayn
doono.

Haddaba, shirweynaha laamaha xisbiga Kulmiye ee UK Febraury 2006, kaddib


markii uu arkay:

v Dastuurka Xisbiga Kulmiye: Qodobkiisa 4aad ee samaynta laamaha dibadda,


v Qodobka 8aad faqraddiisa 1aad xarafkiisa C ee doorka dhaqaale ee xubnaha
dibadda,
v Iyo Qodobka 43aad ee u oggolaanaya laamaha dibadda qaab-dhismeedyo iyo
xeer hoosaadyo u gaar ah.
v Isla markaana tixgleliyeen codsigii xubnaha guud ee Xisbiga Kulmiye ee UK,
v Eegeenna baahida guud ee loo qabo baahinta xisbiga,
v Lana tashadeen hoggaanka sare ee Xisbiga.

Waxa ay soo saareen xeer hoosaadkan Xisbiga Kulmiye ee UK

Qodobka 1aad: Xisbiga Kulmiye (UK)

1. Kulmiye (UK) waa waax ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee Somaliland. Sidaas


awgeed xubin kasta oo ka tirsani waxay ka mid tahay Xisbiga Kulmiye,
waxayna u hogaansan tahay dhamaan shuruucada iyo qawaaniinta
Xisbiga iyo dhammaan distoorka iyo xeerarka Somaliland u yaala.
2. Dhammaan astaamaha Kulmiye (UK) waa kuwa xisbiga Kulmiye ee
Somaliland ka jira.

3. Goaan qaadashada Kulmiye (UK) waa wadajir (collective decision


making). Waxaana goaanka lagu gaadhayaa hal dheeri wadarta guud ee
kasoo qayb gala shirka ( 50%+1) waxaana lagu fulinayaa si ku salaysan
qorshe iyo hirgalin dhammaan ba hawlaha xisbiga ee UK.

4. Xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE UK waa magaalo madaxda UK ee London

5. Xisbiga KULMIYE UK waxa uu laamo ku leeyahay/kuna yeealanayaa


magaalooyinka kale ee dalka.

Qodobka 2aad: Xubinnimada

1. Qof kasta oo 18 ah ama ka weyn, oo Somalilander ah, deganna dalka UK,


aaminsan ujeedooyinka iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye,
waxa uu xaq u leeyahay in loo ogolaado xubinnimada Kulmiye (UK).

Qof kasta oo Somalilander ah oo doonaya in uu ka mid noqodo Kulmiye (UK)


waxa uu soo qadimayaa codsi xubinnimo oo loo soo gudbiyo guddida laanta.

Codsiyada xubinnimada Xisbiga Kulmiye (UK) waxa eegi doona goaanna


ka gaadhi doona Gudida laanta ee Kulmiye (UK).

2. Xubin Kulmiye ah kama tirsanaan karto urur ama xisbi kale siyaasadeed
ee Somaliland ka jira.

QODOBKA 3AAD: XUQUUQDA IYO DHAWRSANAANTA


XUBNAHA XISBIGA EE UK
Xubin kasta oo ka mid ah KULMIYE UK waxa ay xaq u leedahay:

1. In ay cod bixiso (vote) iyo in loo doorto xil ama jaggo (marka la diiwaan
galiyo muddo lix bilood ah kadib) ayuu xil qaban karaa.

2. In lagu wargeliyo siyaasada iyo waxqabadka xisbiga ee heer gobol iyo


heer qaranba
3. In ay ka qayb gasho si toos ah ama si dadbanba dhammaan hawlaha
xisbigu ka wado UK, soo qadinto wixii afkaar, qorshe, aragti ee ku
saabsan sidii loo xaqiijin lahaa ujeedooyinka Xisbiga.
4. In laga abaal mariyo waxqabadka iyo guulaha ay Xisbiga u soo hoyso
5. In ay ka qaybgasho kulamada ama shirarka laanta xisbiga ee UK
6. In ay ergo ahaan uga qeyb gasho shirweyne qaran, haddii laanta xubintu
ka tirsan yahay u igmato
7. Xubintu waxa ay talooyin u soo jeedin kartaa laamaha xisbiga ee UK.
8. Xubin loo doortay golayaasha xisbiga ama gudiyadiisa, loogama saari
karo sife ka duwan sida ku xusan qodobada 21aad iyo 23aad.

QODOBKA 4AAD: WAAJIBAADKA XUBINTA XISBIGA

Waxa saran xubin kasta oo ka mid ah xisbiga KULMIYE UK waajibaadkan soo


socda:
1. In ay u hogaansanaato xeerarka iyo qawaaninta xisbiga Kulmiye
2. In ay taageerto kuna shaqayso bayaanada ka soo baxa Xisbiga Kulmiye
iyo kuwa ka soo baxa Kulmiye (UK) iyo laamaha UK ba.
3. In ay Ixtiraamto xubnaha kale ee Xisbiga Kulmiye
4. In ay ilaaliso xogta iyo siraha Xisbiga Kulmiye iyo Kulmiye (UK) ba.
5. In ay si firfircoon uga qaybqaadato siyaasada xisbiga ee laanta uu ka
tirsan yahay iyo hawlaha guud ee xisbiga ee UK
6. in ay ka dheeraado wax kasta oo ummadda kala fogeynaya
Sida qabyaalada , Gobolaysiga IWM
7. In ay dhowrto nidaamka iyo kala danbeynta hoggaanka xisbiga
8. In ay dhowrto sharafta iyo karaamadda xisbiga
9. In ay bixiyo, isla-markaana ururiso qaadhaanka xisbiga
10. Xubintii bixin weyda qaadhaanka xisbiga 3 bilood waxa laga joojinayaa
helidda xogta Xisbiga, 6 bilood haddii ay ku bixin weydana waxa lagu
qaadayaa qodobada 21aad iyo 23aad.

QODOBKA 5AAD: Fadhiisanka iyo qaadhaanka joogtada

1. Fadhiisanka Kulmiye (UK) waxa weeye 10.00 (Toban Pound) oo


cardka ah.
2. Qaadhanka joogtada ee sandlaha ahi waa 60 Sanadkii (Lixdan Pound)

QAYBTA LABAAD Qaab-Dhismeedka

QODOBKA 6AAD: Qaab-Dhismeedka Kulmiye (UK)

1. Shirweynaha Sanadka (AGM)


2. Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK)
3. Gudiyada Laamaha Kulmiye (UK)
4. Kala horeynta hay'adaha ee kor ku tilmaamani wuxuu muujinayaa kala
sareyntooda awoodeed ee xisbiga.
5. Guddida hantidhawr oo ka kooban 3xubnood waxaana dooranaaya guddida
qaban qaabada shirweynaha.

QODOBKA 7AAD: Shirweynaha


Shirweynaha Xisbiga KULMIYE UK Waa:

1. Hay'adda ugu sareysa ee xisbiga, waxaana ku kulma


ergooyin ka socda laamaha xisbiga ee gobolada dalka UK
2. Shirweynaha xisbiga ee UK wuxuu qabsoomayaa
sanadkiiba hal mar
3. Shirweynaha waxa qabanqaabinaya guddi madax bannaan
oo ay magacaabayso guddiga fulinta 45 maalmood ka hor
dhammaadka xilli sanadeedka guddida.
4. Tirada ergooyinka shirweynaha xisbiga waxa go'aaminaya
guddida madaxa bannaan ee qaban-qaabinta oo u
qoondaynaya laan walba tirada ergadooda iyada oo ka
duulaysa tirada xubnaha ee laan kasta Kulmiye (UK)
5. Shirku wuxu ka dhici karaa gobol kasta oo ka mid ah UK oo
ay isku raacdo tiro hal dheeri ah guddida qaban-qaabada
shirweynuhu.
6. Shirweynaha waxa ka soo qayb-gelaya oo keli ah:
a. Gudida Kulmiye (UK)
b. Gudiyada Laamaha Kulmiye (UK)
c. Wufood matalaya laamaha Kulmiye (UK)
d. Goob-joogayaal/martisharaf
e. Gudiga Hantidhawrka

7. Fadhiga ugu horeeya ee shirweynaha waxa lagu


dooranayaa shirgudoonka shirweynaha oo ka kooban
gudoomiyaha shirweynaha iyo xoghayntiisa
8. Shirweynuhu waxa uu qiimaynayaa waxyaalihii u
qabsoomay Kulmiye (UK)
9. Shirweynuhu wuxu dib u eegayaa xeerarka iyo qawaaniinta
Xisbiga ee UK.
10. Shirweynaha waxa lagu dooranayaa guddida fulinta ee
Xisbiga Kulmiye ee UK.

Qodobka 8aad: Hannaanka Shirweynaha

1. Gudida Qabanqaabada
a. Gudida Qabanqaabada waxa magacaabaya Gudida Fulinta ee
Kulmiye
b. Wixii Ajando ah ama soo jeedin ah waxa loo gudbin doonaa
Gudida Qabanqaabda ugu yaraan 15 malmood ka hor
Shirweynaha UK.
c. Gudida qabanqaabada ayaa soo diyaarinaysa madasha iyo
waqtiga Shirweynaha.

2. Xulashada Wufooda

a. Gudida Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye (UK) waxay


goaamin doontaa tirada wufooda.
b. Laamaha Kulmiye (UK) iyagaa u-madax-banaan xubanaha ay
shirweynah u soo diranayaan.
c. Musharaxiinta Gudida Kulmiye (UK) Xubinta ayaa u soo
qadimaysa codsigeeda laanta ay deggantahay.
d. Magacyada musharrixiinta waxa loo gudbinayaa Gudida
qabanqaabada shirweynaha laba todobaad ka hor maalinta
shirweynaha.
e. Magacyada musharixiinta jagooyinka Gudida Fulinta Kulmiye (UK)
waxa ergooyinka shirweynaha loo gudbin doonaa todobaad ka
hor maalinta shirwenaha..

3. Shuruudaha iyo Qaabka Doorashada Guddida Fulinta


1. Shuruudaha Doorashada:
a. Doorashada guddida Fulinta xisbiga ee UK waa doorasho ku
salaysan nidaamka dimuqraadiga ah ee Xisbiga.
b. Musharaxu waa in uu ahaadaa xubin firfircoon oo Kulmiye (UK) ugu
yaraan sanad.
c. Musharaxu waa in uu ahaadaa qof aqoon ku filan u leh jagada loo
sharaxay.
d. Doorashada Guddida Fulinta Xisbiga ee UK waxa isu soo taagi kara
xubin kasta oo xisbiga ka mid ah buuxisayna waajibaadka ku xusan
qodobka 4aad
2. Qaabka doorashada:
a. Doorashada guddida fulinta xisbiga ee UK waxa shirweynuhu ku
ansixinayaa musharaxa hela aqlabiyad hal dheeri ah(kala badh in ka
badan tirada guud ee ergooyinka 50% + )
b. Jago kasta mar gooni ah ayaa loo tartamayaa loona codaynayaa.
c. Codka waxa loo dhiiban doonaa qaab sir ah oo la qorayo.
d. Musharxiintu waxay isku taagi karaan hal jago oo kaliye
e. Musharax ugu codad bata ayaa loo dooran doonaa jagadaas
f. Hadii musharixiinta midkoodna heli waayo aqlabiyada ku xusan xubinta
hore ee qodobkan, wareega labaad waxa musharixiin u ah labada
musharax ee ugu codka badan wareega koowaad.
g. Wareega labaad waxuu shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa ugu
aqlabiyadda badan tirada ergooyinka.

QODOBKA 9AAD: GUDDIGA FULINTA EE UK


Guddiga fulintu waxay socodsiinayaa hawlaha joogtada ah ee xisbiga ee UK inta u
dhaxaysa labada shirweyne wuxuuna ka kooban yahay 15 xubnood oo ay ku jiraan
guddoomiyayaasha laamaha Xisbiga ee UK iyo xubnaha guddoonka oo kala ah:
a. Gudoomiyaha Guddida Fulinta ee UK
b. Gudoomiye ku xigeenka koowaad
c. Gudoomiye ku xigeenka labaad
d. Xoghayaha xisbiga ee UK
e. Lacaghayaha
f. Xubin

h. Laba xubnood oo grabka haweenka ah

I.Xubin Garabka dhalinyarada

h. Iyo 9ka Guddoomiye ee Laamaha UK.

2. Kulamada guddiga fulinta waxaa guddoominaya gudoomiyaha xisbiga ee UK.

QODOBKA 10AAD: Shaqada Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK)


Marka laga reebo awoodaha dastuurkan, xeerarka iyo go'aanada golaha dhexe siinayaan
guddiga fulinta, wuxuu guddigu leeyahay awoodaha soo socda:

1) Baadhista iyo qiimaynta hawlaha Laamaha Xisbiga Kulmiye (UK).


2) Jiheynta habka shaqo ee Laamaha UK ee Xisbiga Kulmiye.
3) Kormeerida, abaabulka iyo horumarinta dhaqaale-ururinta xisbiga.
4) Ansixinta iyo gacan-u-haynta barnaamijyada iyo qorshe hawleedka Xisbiga
UK
5) Diyaarinta miisaaniyadda Xisbiga ee UK
6) Ansixinta kharaska Laamaha Xisbiga ee (UK)
7) Magaacbida gudida qabaqaabada shirweynah (AGM) ee UK
8) Diyaarinta iyo gudbinta warbixinaha Xisbiga ee UK
9) Isku xidhka laamaha Xisbiga ee UK
10)Fulinta dhamman hawlaha siyaasadeed, abaabul iyo dhaqaale ee KULMIYE
UK
11. Meel marinta go'aamada shirweynaha xisbiga ee UK
12.Guddidu waxa ay isugu yeedhi kartaa shir aan caadi ahayn
13. Guddiga fulintu wuxuu baahi jirta awgeed si ku meelgaadh ah u soo saari karaa
xeerar ama xeer- hoosaadyo, kuwaas oo aan ka hor imanayn xeerkan, iyadoo laga
ansixin doono shirweynaha Xisbiga ee sanadeedka ah

Qodobka 11aad: Awoodda Gudoomiyaha Guddida

Gudoomiyaha xisbiga ee UK waa hoggaanka guud ee xisbiga, ee UK wuxuuna xisbiga


ku leeyahay awoodaha soo socda:

1. Waa gudoomiyaha guddiga fulinta ee UK


2. Waa Guddoomiyaha dhamman fadhiyada Guddida Kulmiye (UK)
3. Waa jiheeyaha hawl maalmeedka guud ee xisbiga ee UK
4. Isku xidhka guud ee hawlaha ka socoda laamaha magaaloyinka
5. Saxeexida dhammaan waraaqaha ku baxaya magaca xisbiga ee Kulmiye
6. La xidhiidhka hayadaha dalkan UK
7. La xidhiidhka xarunta Xisbiga ee Hargeysa, marka loo baahdo
8. Wuxu ku hadli karaa magaca xisbiga ee UK
9. Gudoomiyahu wuu codsankaraa shir aan caadi ahayn

Qodobka 12aad: Gudoomiye-ku-Xigeenada Guddida

Guddida KULMIYE UK waxa ay yeelanaysaa laba Guddoomiye Xigeen oo kale ah


Guddoomiye xigeenka koowaad iyo Guddoomiye Xigeenka Labaad. Gudoomiye-
xigeenada xisbigu waxay ka kaalinayaan gudoomiyaha hawlaha xisbiga
shaqadooduna waxa ay tahay:

1. Kormeeridda iyo taakulaynta hawlaha abaabulka iyo dhaqaale ururinta


2. Waxay fulinayaan wixii hawlo ah ee gudoomiyahu u igmado
3. Hadii uu gudoomiyahu dalka ka maqan yahay, waxa si ku meel-gaadh ah
kaalinta gudoomiye u buuxinaaya gudoomiye-ku-xigeenka 1aad
4. Hadii ay gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad maqan yihiin waxa kaalintooda si ku
meel gaadh ah u sii buuxinaaya gudoomiye ku xigeenka 2aad.

Qodobka 13aad: Bannaanaanta Jagada Guddoomiye ama


Guddoomiye Xigeenada Xisbiga ee UK
1. Inta u dhaxeysa labada shirweyne hadii ay la soo deristo gudoomiyaha
xisbiga ee UK xaaladaha soo socda oo:
a. Uu caafimaad daro awgeed hawshiisa u gudan waayo
b. Uu is-casilo oo ay guddida fulintu ka aqbalaan aqlabiyad buuxda
c. Uu geeriyoodo
d. Ama uu si cad uga horyimaaddo mabaadiida, siyaasadda iyo dastuurka
Xisbiga KULMIYE
e. Ama uu ku biiro urur kale oo siyaasadeed
f. Ama uu ka soo xaadiri waayo 4 shir oo isku xiga cudur-daar laaan

2. Mid ka mid ah qodobadaas haddii ay dhacdo waxa xilkii gudoomiyaha la


wareegaya inta la gaadhayo shirweynaha, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga,
iyadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiguna uu buuxinayo kaalinta
gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga

3. Isla xaaladaas gudoomiyaha xisbigu wuxuu xubin ka tirsan gudida fulinta ee


xisbiga ee UK u magacaabayaa gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga, iyadoo
guddida fulintuna ku ansixin doonto aqlabiyad buuxda, hadiise laga diido ansaxinta
xubintaas, wuxuu magacaabayaa xubin kale ilaa laga helaayo xubin la ansixiyo

4. Hadii gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenada xisbiga isku mar ay la soo


deristo xaaladaha ku tilmaaman xubinta koowaad ee qodobkan, guddiga fulintu
wuxuu qabanqaabinayaa shirweyne aan caadi ahayn, waxaana guddoonka guddida
fulinta si ku meelgaadh ah u sii qabanaaya xoghayaha xisbiga ee UK.

Qodobka 14aad: MASUULIYADA XOGHAYAHA XISBIGA EE UK


Marka laga reebo hawlaha kale ee xeerkani u xilsaaray xoghayaha Xisbiga UK waxay
hawshiisu tahay:

1. Masuuliyadda hawlaha maamulka ee Laamaha UK


2. Kaydinta, diiwaan galinta iyo xafidida qoraalada iyo sirta Xisbiga
3. Haynta iyo xafidida dokomintiska iyo faylaka Laanta
4. Diyaarinta ajandayaasha fadhiyada Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK)
5. Qaadida dhammaan qoraalada fadhiyada Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK)
6. Bixinta kaadhadhka xubin nimada
7. Diyaarinta qorshe hawleedka iyo warbixinada guddiga fulinta
8. Kaydinta dhamaan qoraalada shirweynaha xisbiga UK, kuwa guddiga fulinta
9. Hadii uu maqan yahay xoghayaha ama ay la soo deristo xaalad ka mid ah
xaaladaha ku xusan Qodobka 13aad, waxaa xilkiisa si ku meel gaadh ah u sii
haynaya xubin ka tirsan guddiga fuinta oo uu magacaabo gudoomiyaha xisbiga
ee UK.

QODOBKA 15AAD: MASUULIYADDA LACAGHAYAHA


Lacaghayaha xisbiga Kulmiye UK waa madaxa kaydinta dhaqaalaha & hantida ee UK
waxaanu masuul ka yahay:
1. La socodka arrimaha iyo xaaladda dhaqaale ee Kulmiye UK
2. Haynta xogta dhaqaale iyo faylalka dhaqaale ee Kulmiye UK
3. Diyaarinta miisaaniyadda iyo warbixinta dhaqaale ee Kulmiye UK
4. Haynta dhaqaalaha yar (Petty-cash) ee xafiiska dhexe Kulmiye (UK)
5. Siinta warbixino dhaqaale iyo habka dhaqaale ururinta Gudida Fulinta
(UK)
6. Haynta dhaqaalaha ay soo ururiyaan laamaha iyo waaxyaha Kulmiye
(UK).
7. Inuu ka helo warbixin dhaqaale bishiiba mar dhammaan laamaha UK
8. Wixii baxaya ee dhaqaale ah waa inuu la ogaadaan
Gudoomiyaha/Xoghayaha ama labadooduba.
9. Hadii uu maqan yahay lacaghayuhu ama ay la soo deristo xaalad ka mid ah
xaaladaha ku xusan Qodobka 13aad waxa xilkiisa si ku meel gaadh ah u sii
haynaya guddoomiyaha iyo xoghayaha.
10. Lacaghayuu waa inuu wax kasta ku hayaa qoraal iyo cadaymo
muujinaya sidii dhaqaaluhu usoo xarooday, sidoo u baxay iyo sidii loo
dirayba.
11. Laamaha magaalooyinka iyo kuwa Londonba iyagaa u madax-banaan
inay si toos ah ugu diraan dhaqaale gudaha dalka iyagoo aan
ogeysiinaya Lacaghayaha Kulmiye (UK).

Qodobka 16aad: Kulanada iyo Fadhiyada Guddida Fulinta UK


1. Fadhiyada guddiga fulinta waa in la qabtaa ugu yaraan saddexdii biloodba hal
mar.
2. Fadhiyada guddida joogta ah ee KULMIYE UK waxaa la qabanayaa bishiiba hal
mar.
3. Fadhiga guddida fulinta waxa iskugu yeedhi kara guddoomiyaha guddiga fulinta.
4. Fadhiga u horeeya ee guddida fulinta waxaa la qabanayaa laba todobaad ka dib
waqtiga uu dhamaado shirweynaha xisbiga
5. Go'aanada guddigu waxay ku ansaxmayaan cod hal dheeri ah (aqlabiyad fudud).

Qodobka 17aad: Kooramka

1. Joogitaanka in ka badan badh ee xubnaha guddida fulinta Xisbiga


Kulmiye(UK) ayaa samaynaya kooramka uu ku qabsoomi karo kulan
gudiyeed kasta.

Qodobka 18aad: Qodob qaanuuneed (Point of Order)

1. Shirarka ama kulamada xisbiga, xubin kasta waxay soo jeedin kartaa
qodob qaanuuneed, kaas baan laga hor marinayaa wixii socoday ee laga
doodayey.

Qodobka 19aad: Nuxur-Qorida Kulamada & Shirarka Xisbiga


1. Kulamada Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK) Xoghayaha ayaa qaadaya isla
markaana qoraya nuxurka laga wada hadlay ee kulamada.
2. Guddiyada laamaha magaalooyinka UK waxa kulmadooda u qaadi doona
qorida nuxurka fadhigooda Xoghayayaashooda gudiyadooda.
3. Gudi hoosaadyada xisbiga ee laanta UK waxay iska dhex dooran doonaan
qof Gudoomiya shirka ama kulanka iyo qof u qaada qoraalka kulmadooda.
4. Qoraalkii shirkii ama kulankii hore waxa la akhriyi doonaa lana ansixin
doonaa shirka ama kulanka dambe ee gudidu yeelato. Waxaanu noqon
doonaa qoraal rasmi ah.

Qodobka 20aad: Mudada Xilka

1. Mudada Xilka Gudida Fulinta ee Kulmiye (UK) waa SANAD KELI AH


2. Haddii shir sanadeedku qabsoomi waayo waqtigii loogu talo galay waxa
dib loo dhigi karaa muddo aan ka badnayn 45 maalmood oo keli ah
3. Sidoo kale muddada guddiyada fulinta ee Laamaha xisbiga ee UK waa
Sanad.

Qodobka 21aad: Waayidda Xubinimada Guddida Fulinta UK


1. Qofku wuxuu xubinimadiisa guddida fulinta ku lumin karaa hadii:

a. Uu geeriyoodo
b. Xanuun u suuragelin waayo gudashada xilkiisa
c. Istiqaalad uu bixiyo guddiduna ka ogolaato
d. Uu ka soo xaadiri waayo 4 shir oo is xiga
e. Uu si cad uga horyimaaddo mabaadiida iyo dastuurka xisbiga
f. Ama uu ku biiro urur kale oo siyaasadeed
2. Xaaladahaasi markii ay timaado, guddoomiyaha guddidu wuxu
laantii uu ka tirsanaa ka codsanayaa in ay dhakhso u soo
beddesho

Qodobka 22aad: Laamaha Xisbiga ee UK

1. Laantu waxay saldhig u tahay asaaska xisbiga; waana halka uu kasoo unkamo
xubnaha xisbigu
2. Xubin kasta oo xisbiga ka mid ahi waa inay ka diiwaan gashan tahay laan
3. Laan kasta waxa laga diiwaangelinayaa degmada ay ka tirsan tahay
4. Laan kasta waxay leedahay guddi laga soo doortay shirka xubnaha xisbiga ee laanta
oo la qabto sannadkiiba hal mar, wuxuuna shirka xisbiga ee laantu leeyahay dhamaan
awoodaha shirka xisbiga ee ku xusan Qodobka 5aad
5. Guddiga laantu waxuu ka kooban yahay 7 xubnood oo ay ku jiraan Gudoomiyaha
iyo laba gudoomiye xigeen 5 (shan) ka mid ah guddigu tahay guddiga fulinta oo kala ah:

a. Gudoomiye
b. Laba gudoomiye-xigeeno, kala ah koowaad iyo labaad
c. Xoghaye
d. Lacaghaye
6. Kulanada xisbiga ee laanta waxaa lagaga doodaa waxqabadka xisbiga ee laanta
7. Guddiga xisbiga ee laantu waxuu socodsiiyaa hawlaha xisbiga ee laanta; wuxuuna
masuul ka yahay dhamaan awaamiirta iyo go'aanada kaga yimaada gudida fulinta ee UK

8. Hawlaha guddiga fulinta ee laantu waxay leedahay dhamaan hawlaha guddiga fulinta
ee UK, wuxuuna kulmayaa bishiiba ugu yaraan hal mar
9. Gudoomiyaha guddiga xisbiga ee laantu wuxuu laanta ku leeyahay awoodaha
gudoomiyaha guddiga xisbiga ee UK.

QODOBKA 23AAD: WAAYIDDA XUBINIMADA XISBIGA


Xubin nimada xisbiga waxa lagu waayi karaa arimahan soo socda:

1. Xubinta oo gudan weyda waajibaadka ku xusan qodobka 4aad


oo dhan
2. Xubinta oo ay ku caddaato arimaha ku xusan qodobka 13aad,
farqadda koowaad, xarfaha d iyo e

QAYBTA SADDEXAAD: QODOBO KALA DUWAN


QODOBKA 24AAD: XALLINTA XURGUFAHA XUBNAHA
1. Xubin kasta oo xisbiga ka mid ahi waxay xaq u leedahay inay ku doodo in dastuurkii;
xeerarkii, go'aanadii ama xeer-hoosaadyadii xisbiga la jebiyey
2. Hadii tirada xubnaha dacwoonaysaa gaadhsiisan yihiin 20 xubnood; gudoomiyaha
xisbiga ee UK waa inuu qaderiyaa dacwadaas una magacaa guddi baadhis ah; iyadoo
gudigaas la siinayo awoodaha iyo habkay ku shaqeyn lahaayeen
3. Guddiga la igmaday ee ku tilmaaman xubinta hore, go'aanka ay soo saaraan wuxuu
noqonayaa kama danbeys.

QODOBKA 25AAD: ANSHAX MARINTA

1. Dhammaan arimaha anshax marinta waxa leh Hoggaanka guddiyada laamaha UK.
Waxaana la wargelinayaa guddida joogtada ah ee KULMIYE UK.

2. Waxa awood u leh qaadida gefafka yar-yar ee xubinta, guddiga fulinta ee heer xisbi
ee xubintu ka hawlgasho
3. Xubinta waa in qoraal lagu siiyaa dacwada gefka loo haysto ugu yaraan 10 cisho
maalmood ka hor, maalinta dacwad qaadista
4. Ganaaxu wuxuu ahaan karaa:
a. Digniin canaan qoraal ah
b. Ganaax lacageed oo aan ka badnayn boqol gini
c. In laga soo celiyo shahaado; bilad ama qiimayn, waxa awood u leh cida bixisay ee ah
golahaas ama guddigaas.

QODOBKA 26AAD: ABAAL MARINTA XISBIGA


1. Xisbiga KULMIYE UK wuxuu lahaanayaa abaalmarino kala duwan oo kala ah:
a. Shahaado sharaf
b. Iyo amaan
2. Abaal marintaas waxay ahaan kartaa mid heer gobol, degmo iyo Laan
3. Abaal marinta xisbigu heer kasta oo ay tahay waxa la siin karaa xubin kasta oo ka
tirsan xisbiga oo mutaysata hawkarnimo dheeraad ah ama waxqabad muuqda oo
xisbiga u soo hoysay guul
4. Bixinta abaalmarinahaas, waxa awood u leh:
a. gudoomiyaha guddiga fulinta ka dib markay sidaas go'aamiyaan guddiga fulinta
ee UK.

QODOBKA 27AAD: WAX-KA-BEDELKA XEER-HOOSAADKAN


1. Xeer-hoosaadkan waxa wax ka bedeli kara shirweyne sanadeedka UK
2. Waxa soo jeedin kara wax-ka-bedelka dastuurka:
a. Hadii ay soo jeediyaan guddiyadda goboladdu tiro saddex gudi gobol/laameed
b. Hadii ay soo jeediyaan 1/3 (laba meelood saddex) tirada xubnaha guddida fulinta
3. Wax-ka-bedelka xeer hoosaadka waxa guddida fulintu ku ansixin kartaa aqlabiyad ah
2/3 (saddex meelood-laba meelood).

QODOBKA 28AAD: ANSIXINTA & DHAQAN-GALKA XEER


HOOSAADKAN
1. Xeerkan waxa lagu ansixin karaa 2/3 , waxna looga bedeli karaa (saddex meelood-
laba meel) tirada guud ee guddida fulinta ee UK.
2. Wuxuu dhaqan gelayaa xeerkani isla marka guddidu fulintu ansixiyo

QODOBKA 29aad: DHAQAALAHA XISBIGA


1. Dhaqaalaha xisbiga ee UK waxaa baxsha xubnaha xisbiga ee UK. Xubnaha iyo
taageerayaasha xisbigu waxay ubixin karaan taageeridda dhaqaale qaab
qaadhaaneed ama deeqeed.
2. Dhaqaalaha xisbiga ee UK waxaa guddida fulinta uga wakiil ah lacaghayaha
xisbiga ee UK.
3. Xisbigu wuxuu yeelan doonaa Account lagu rido ama lagu ururiyo dhaqaalaha
xisbiga ee UK.
4. Dhaqaalaha xisbiga waxaa lagu isticmaali karaa oo qudha ujoodooyinka iyo
hadafka xisbiga iyo meeshii kale ee maamulku isla garto ee la xidhiidha danaha
xisbiga.
5. Xubnaha ururka waxaa ka reeban inay si khaldan u isticmaalaan hantida
xisbiga ee ay gacanta ku hayaan.
6. Waxaa guud ahaan mamnuuc ka ah in dhaqaalaha xisbiga lagu baxiyo meel
aanay isla ogayn guddida fulintu ee xisbigu.
7. Guddida qaban qaabada shirweynuhu waxay magacaabayaan saddex xubnood
oo hanti dhawr ah oo ka madax bannaan guddida fulinta ee UK.
8. Saddexda xubnood ee hanti dhawrku waxay masuuliyadoodu ama shaqadoodu
noqonaysaa dabagalka iyo ilaalinta hannaan socodka hantida xisbiga ee UK.
9. Guddida fulintu waxay sannad kasta samaynayaan xisaab xidh.

Dhammaad

SHIRWEYNAHA KULMIYE (UK)

Gudida Kulmiye (UK)

Gudoomiye

Gud.ku-Xigeenka Koowaad Xoghaye G/X/Labaad Lacaghaye

Das könnte Ihnen auch gefallen