Sie sind auf Seite 1von 5

Foreign Exchange (FOREX) Isku Beddelka lacagaha Qalaad

Forex Trading, ka ganacsiga isku sarrifka lacagaha kala duwan ee waddamada


adduunka (Sarrifka Lacagaha Qalaad), waa sarrifkii aynu naqaanay ee suuqeena
lagu hayey ee aad arki jirtay sarriflihii oo bushqad lacagi hortaallo dadweynaha u
imanayana u beddelaya hadba lacagta ay doonayaan sida,

Dollar to Shilling
Lacagtii oo laba laba
Shilling to Dollar
Shilling to Birr Ethiopia la isugu sarrifayo Pairs
Faranka Djibouti to Shilling

Waa kaas laftiisa oo ka dhex dhacaya Internetka wuxuuse dheeryahay lacago badan
oo dalalka adduunka ah ayaa ku jira, halka suuqeena badanaa saddex ilaa afar
lacagood la isku sarrifo.

“Waxaynu joognaa xilli ay dunidu u sii guurayso qaabka Digital-ka (hawo) oo ah wax
aan la taaban Karin oo ka dhex dhacaya Internetka”.

Digital age also known as Information age.

Common Terms (Baro Ereyada la isticmaalo)

Sarrifle = Broker

Ma jiro website gaara oo toos loo booqanayo oo laga galayo suuqa Forex, ee waxa la
sii dhexmarayaa sarriflayaal oo mid waliba uu leeyahay website u gaara ,
sarriflayaashaas waxa ka mida FxPrimus, XM, Alpari iyo Qaar kaloo tira badan.

Waa sida sarriflayaasheenii uu mid waliba magac iyo number gaara u lahaa.
Bid-Ask = Gacanta hore iyo dambe

Sarriflaha ayaa ku shaqeeya oo u gaar tahay oo macaash ka sameeya Tusaale,

Rate Exchange
$1 = 8,000 Shilling Gacanta hore
$1 = 8,200 Shilling Gacanta dambe

Haddii aad marka hore u la tagto $100 wuxuu kuugu sarrifayaa 800,000
Haddii aad dib u doonto $100kii wuxuu kaa qaadayaa 820,000
Wuxuu ka macaashay Boqolkii Dollar 20,000 Shilling, macaashkaas waxa loo yaqaana
Spread oo ah kala jarka gacanta dambe iyo gacanta hore (8200 - 8000) = 200

$100 * Sh 200 = 20,000 shilling

*Sarriflayaasha qaar baa looga cararaa Spreadkooda oo sarreeya (High Spread), sida
Sarriflaha Alpari, taas oo qofka Trader-ka ah macaashkiisa yarayn karta

Trader = Ganacsade

Wuxuu ka dhiganyahay dadkii sarriflaha u imanayey ee lacagta ka sarrifanayey, oo


haatan si uu uga macaasho lacagta u sarrifanayaa
Rate Exchange
$1 = 8,000 Shilling Gacanta hore
$1 = 8,000 Shilling Markuu normalka yahay $1 = 8,200 Shilling Gacanta dambe
$1 = 10,000 Shilling markuu kacsanyahay

Ka soo qaad 100 doolar baad haysataa,

*markuu rate-ku marayo toban kun waad sarrifaysaa boqolkii dollar, waxa ku soo
galaya Hal milyan oo kaash ah,

*markuu rate-ku hoos u dhaco ee uu gaadho sideed kun ama lacag ka yar
tobankunba waad soo ceshanaysaa boqolkii dollar, waxaanad macaashtay
(laba boqol oo kun) oo laga jaray macaashkii sarriflaha

Shilling 1,000,000 / 8,200 = 121.95, macaashkaagu waa $21

“Dollarku markuu kaco waad iibinaysaa, markuu hoos u dhacana waad soo
iibsanaysaa, sidaas ayaad macaash ku helaysaa”
Sidee loo bilaabayaa Hawsha Forex
Waxaad dooranaysaa mid ka mida sarriflayaasha adiga oo ka furanaya website-kiisa

Account – uu ku qoranyahay macluumaadkaaga shakhsiga sida Identity cardka

MT4 Account – oo ah account aad ku ganacsanayso haddii aad leedahay aqoontii


MT4-ka, MT4 waa application software aad website-ka ka soo dejisanayso oo sarrifku
ka dhex dhacayo.

PAMM Account – oo ah account laguu furayo haddii aanad aqoontii MT4-ka iyo
aqoomaha kale ee Forex lahayn una dhiibanayso khubaro lacagtaada kuugu
shaqaynaya, balse aad adigu lacagtaada gacanta ku haysanayso xilligii aad doontana
la baxayso, cidi idiin ma dhaxaynayso, waad arkaysaa wuxuu SELL/BUY, Loss/Profit
uu samaynayo khabiirka kuugu shaqaynaya (Master).

*Marka lagu ansixiyo waad ku shubanaysaa lacagta hawsha waad bilaabanaysaa

*Sarriflahan bay soomaali badani ku xidhantahay FX primus, qaarna XM

www.forexbrokerslab.com , https://www.forexbrokerz.com

Yaa ku lug leh Suuqa Forex


Waxa ku lug leh xukuumadaha iyo baananka dawladda oo isku dhinac ah kuwaas oo
ilaalinaya qiimaha lacagtooda, tusaale ahaan waxaad aragtay suuqeenii sarrifka ee
hargeysa marka uu sarifkeenu aad u kaco waxa baanku suuqa soo gelin jirey jawaano
lacag ah si loo ilaaliyo qiimaha shilingka waddanka, sidaas ayey suuqa Forex
xukuumaduhu iyo baananku ugu jiraan si qiimaha lacagtooda u ilaaliyaan.

Waxa kale oo lugta kula jira bangiyada gaarka loo leeyahay iyo shirkado.

Inagu, dadka caadiga ah waa xubinta ugu yar ee suuqan ku jirta, lacagta aad la soo
galaysaana waxba ka ma aha oo waa sida sarriflayaasheena jawaanada lacagta ahi
hortaalo oo boqol doolar oo qofi wataa waxba iyaga uma aha.

Forex, suuqan waxa lagu kala rogaa lacag gaadhaysa 3.5 trillion maalintii.
Sidee ku baran karaa xirfadda lagaga shaqaysto FOREX

Waxa jira website weyn oo laga barto cilmigan oo la yidhaa IML (International Market
Live), laguna dhigto qiimo dhan 290 dollar,

Balse waxa soo baxay dhallinyaro soomaaliyeed oo qiimo jaban kugu baraya uuna ka
mid yahay Moallimuu kaas oo leh dugsiga Hayaan Academy xafiisyana ku leh
Xamar, Hargeysa iyo Garoowe oo dhawaan laga furi doona Eebbe idankii. Dugsigaas
oo ardayga la gacan qabanayo oo gacanta loo fadhiisinayo. Qiimaha la qaadana waa
$29.

Waxaad kale oo YouTube ka heli kartaa soomaali badan oo cilmigan afkaaga kuugu
sharraxaya oo uu ka mid yahay channelka la yidhaa Sahal Software iyo qaar kalaba.
Modern Traditional